Hay,adda SHILCON oo deeq biyo ah ka qeybisay Bari iyo Karkaar

Hay,adda SHILCON oo ka mid ah ururada maxaliga ee ka jira Soomaaliya ayaa maanta deeq biyo ah oo ka timid Hay,adda UNICEF ka qeybiyay deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar, sida deegaanada kala ah Guud_cad,Sanbarwaaqo iyo Isku shuban , waana deeq qeyb ka noqonaysa biyo dhaan 45 cisho ah oo ay hay,adda UNICEF uga biyo dhaaminayso Gobolada Puntland.

Cumar Maxamed Jaamac oo ah kormeeraha mashaariicda ee Hay,adda PSAWEN ayaa u sheegay PUNTLAND POST in ololahaani uu qeyb ka yahay biyo dhaan xoog leh oo ay mudooyinkan ka wadaan dhulka baadiyaha Dowlada Puntland iyo Hay,adda UNICEF.

Wuxuuna sheegay in deeqda maanta laga qeybiyay deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar in loo soo marsiiyay Hay,adda SHILCON oo uu sheegay inay isku soo abaabushay qaab wanaagsan oo qiimo ku fadhiya, Islamarkaana iskaashi dhaw oo wada shaqeyneed la leh Wakaalada Biyaha Puntland ee (PSAWEN).

Sidoo kale Hay,adda Biyaha iyo Tamarta Puntland (PSAWEN) ayaa shalay deeq biyo ah oo ka timid isla hay,adda UNICEF gaarsiisay deegaano ka tirsan Gobolka Bari sida Deegaanada kala ah Jeedaal,Uurcad oo hoostaga degmada Ufeyn.

Dadka la gaarsiiyay deeqdaan ayaa uga mahadceliyay Dowlada Puntland iyo Hay,adda UNICEF doorka ay ka qaateen gurmadka biyo dhaanka ee abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.