Galmudug oo Maxkamad soo taagaysa Rag watay walxaha Qaraxa

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan ay Maxkamadd lagusoo taagayo Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee maamulka Rag watay gaadiid ay saaranyihiin walxaha qarax oo lagu qabtay duleedka Magaaladaas.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ahna ku-simaha Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in maxkamadd lasoo taagi doono Labo dhalinyaro ah oo lagu qabtay Howlgal Laga sameeyay duleedka Magaalada Cadaado xili ay gari ah ay ku wadeen waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa tilmaamay in Galmudug ay si cadaalad ah u maxkamadeyn doonto dadka loosoo qabto falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhaca deeganada maamulka Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii Magaalda cadaado lagu soo bandhigay Rag watay gaadiid ay saaranyihiin walxaha qaraxa kuwaasi oo laga qabtay inta u dhaxaysa degmooyinka Ceel-buur iyo Xanan Buure ee Gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST