Dad Abaarta ugu geeriyooday Jubbaland

Guddiga gurmadka Abaaraha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gobolada Jubbada dhexe iyo Gedo ay ugu yaraan 30 qof ugu geeriyoodeen Abaarta iyo macaluusha halkaas ka jirta owgeed.

Meelaha dadku ugu geeriyooday macaluusha Abaartu keentay ayaa waxaa ka mid ah Bu’aale, Garbahaarey,Saakow,Salaagle iyo deegaano kale oo ka tirsan goboladaas.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Abaaraha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in 36-kii saac ee ugu dambeysay ay deegaanadaas 26-qof ku geeriyoodeen, wuxuuna ku baaqay in gurmad ballaaran loo sameeyo dadka ku nool goboladaas.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa ka jira Abaar aad u liidata, taas oo saamaysay dad iyo duunyaba.

PUNTLAND POSTÂ