Kulan ku saabsan dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garowe oo maanta qabsoomay

Xarunta Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland ee Garoowe ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan looga arrinsanayey dardar gelinta bilowga dhismaha wadada u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Kulankan oo uu shir Gudoominayey Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa ka qaybgalay,Agaasimaha guud ee wasaaradda, Gudoomiyaha Hay’ada Wadooyinka ee PHA, Injineero iyo Madaxda shirkadda qandaraaska dhismaha wadada ku guulaysatay ee Isxilqaa ayaa siweyn loogu gorfeeyey sidii loo bilaabilahaa shaqada dhismaha wadadaasi oo lafilayo in mudo todobaad gudihiis ah ladaahfuro dhismeheeda.

Shaqada ugu horaysa ayaa waxaa qaban doona Hay’ada PHA oo kaashanaysa wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland, waxaana ay kadhacaysa inta u dhexaysa Kantaroolka Burtinle ilaa Xarfo.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo gabagabadii warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in qorshihii uu gabo gabo marayo ayna dhowaan filayaan in shirkadda lagu wareejiyo qandaraaska.

Mudane Cabdirashiid ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii wadadaasi dadka loogu dhisi lahaa, wuxuuna ku booriyey cid walba inay qaadato kaalinteeda muhiimka ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST