Gudoonka Baarlamaanka oo Lagu eedeeyay in ay faragalin ku hayaan Dhismaha Xukuumada Cusub

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaliya oo kulan ku yeeshay magaalada muqdisho aaya eedeyn kulul u jeediyay Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya.

Hoos ka akhriso qoraalkan oo u qornaa sidan

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si cad guddoonka golahaasi ugu eedeeyay qodobo ay ku jiraan ku takri fal awoodeed, faragelinta laanta fulinta iyo in ay baajiyeen kulamada golaha si ay u saameeyaan xulista xukuumadda.
Anagoo ah xubnaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah u saxiixan soo jeedintan:

Markii aanu aragnay awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad iyo qodobka 90aad faqradiisa(d & e).

Markii aanu aragnay awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee Ra’isul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka ah iyo guud ahaan laanta fulinta sida ku cad qodobka 100aad faqradiisa(a,b,c & d).

Markii aanu u kuur galnay caqabadihii iyo dhibaatooyinkii la soo darsay dowladihii dalka soo maray intii u dhaxeysay sanadihii 2000­2016­kii.
Markii aanu darisnay sababaha u qabsoomi waayaan kulamada golaha shacabka iyadoo weliba dalka ku jiro xaalado adag oo isugu jira abaaro iyo nabadgelyo xumo.

Waxaa Noo Cadaatay In Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha Shaqo ee Dowliga ay Sababeen:

Isku Milan awoodaha iyo waajibaadka dastuuriga ah ee golayaasha baarlamaanka iyo laanta fulinta.

Takri fal awoodeed oo wiiqay habsami u socodka shaqada golaha shacabka iyadoo kulamada baarlamaanka markii la rabo la joojiyo markii la rabona la qabto.

Hadaba, Anagoo ah Xubnaha Golaha Shacabka ee Ku Saxiixan soo Jeedintan, waxaan ku tala Bixinaynaa:
In dhismaha xukuumadda loo daayo cida dasatuurka xaqa u siinaayo si loo dhawro kala qaybsanaanta awoodaha siyaasadeed ee is dheelli tiraya iyo kala dambeynta hannaanka dowliga ah.

.In guddoonka golaha shacabka ka daayaan faragelinta siyaasadeed dhismaha dowladda cusub, kuna ekaadaan doorkooda dastuuriga ah.
.In hey’ad walba oo dastuuri ah iyo madaxdeeda ku ekaadaan waajibaadka qaran iyo mas’uuliyadda uu dastuurku siinaayo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho