Ciidamada Galmudug oo qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Ciidamda Dowlad Goboleedka Galmudug ay gacanta ku dhinteen gaari caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo labo qof oo la socotay.

 Gaariga caasiga ah ayay Ciidamada Dowladd goboleedka Galmudug ay ka qabteen inta u dhaxaysa degmooyinka Cabud-waaq iyo Xanan-buuro oo ka Tirsan Gobolka Galgaduud ee Galmudug waxaa haatan baaritaano lagu wadaa shaqsiyaadkii la socoday gaariga la qabtay.

Dhanka kale Xiriiro aynu la sameenay Mas’uuliyiinta Degmada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno, si aan wax ugu weydiinayo gaari lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

Dhowr jeer oo Hore Ciidamada Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa.

Xasan Maxamed Smatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho