Biyo la,aan haysa deegaano ka tirsan Gobolka Bari

Ka dib socdaal saacado badan qaatay markii ay ku gaareen deegaano wax badan ka fog laamiga saraakiil ka tirsan Hay,adda Biyaha Puntland PSAWEN iyo Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane waxay ugu kuurgaleen xaalada abaareed ee ka jirta deegaano hoosyimaada Degmada UFEYN ee Gobolka Bari.

Socdaalkan oo aanu ku marnay dhul masaafo dheer waxay ku qotontay ujeedadiisu helida xogta biyo la,aanta iyo biyo u dhaaminta dadka iyo duunyada fara-badan,waxaana markii ugu horeysay maanta ay gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan Wakaalada Biyaha Puntland deeq biyo  ah oo Hay,adda UNICEF usoo dirtey  Gobolka Bari.

Baaxada iyo Saameynta ay leedahay abaarta ka jirta dhul fara-badan oo ka tirsan deegaanada Puntland ayaa ah mid kasoo dareysa marba marka kasii danbeeya, waxayna iminka raad muuqda ku yeelatay biyo la,aan soo wajahday kumanaan qoys oo ah dadka ku nool tuulooyinka iyo qararka miyiga.

Daawo warbixin xiiso leh oo uu kasoo direy Wariye Abshir Dhiirane Deegaanka Jeedaal oo ku yaala bariga fog ee Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST