Bangiga AMAL oo mashruuc lagu kobcinaayo ganacsiga haweenka ku daah-furay Garowe

Garoowe(Puntland Post)-Bangiga Amal oo kamida kuwa ugu wax tarka badan dhulka Soomaalida ayaa magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland ku daah-furay mashruuc muhiima oo lagu maalgelinaayo haweenka ganacsiga yar-yar.

Mashruucan oo ay AMAL Bank ka fulinayso ugu yaraan 17 degmo oo ku kala yaala daafaha Soomaaliya ayaa tababar loogu qabtay xarunta dhexe ee AMAL Garowe qaar kamida  dumarka ka faaidaysanaya maalgelintan muhiimka.

Madaxda sare ee AMAL Bank ayaa sheegay in mashruucan looga goleeyahay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed maadama ay haweenku yihiin laf dhabarta qoys walba oo Soomaaliyeed.

mashruucan wuxuu qeyb ka yahay himmilada Amal Bank Somalia ee ah inuu qeyb ka noqdo hormarka bulshada, wuxuuna daba joogaa mashaariic badan oo bangiga Amal waddo.

PUNTLAND POST