Qunsuliyadda Somaliya ee Karachi oo la furay

Xaflad lagu maamuusayay furitaanka Qunsuliyadda Somaaliya ee magaalada Karachi ayaa ka dhacday magaalada Karachi ee dalka Pakistan, Safiiradda Somaliya u fadhida Pakistan marwo Khadajia Mohamed Almakhzoomi iyo qunsul sharafeedka cusub ee qunsuliyadda Somaliya ee karachi mudane Saifurahman ayaa si wada jir ah u furay qunsuliyadda, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda Pakistan ayna ka mid ahaa yeen wasiirka cuntada mudane Nisaar Mohamed, xubno ka socday wasaaradda ganacsiga ee dalka Pakistan iyo sidoo kale safiirro iyo safiirro ku xigeenno ka kala socday 21 dal oo aduunka ah.

Xafladdan oo socotay qadar saacado ah ayaa kasoo qayb galayaashu sheegeen inay ku faraxsanyihiin in qunsuliyaddii Somaliya ee Karachi ay dib u hawl gasho iyagoo sidoo kale hanbalyo iyo bogaadin u jeediyay safaaradda Somalida ee Islamabad oo arrintaan door wayn ka qaadatay.

Furitaanka Qunsuliyadda ayaa lagu aadiyay sanad guurada 57-aad ee xiriirka Somaliya iyo Pakistan waxaana dhamman masuuliyiintii halkaas ka hadlay ku dheeraadeen muhiimadda xiriirka soo jireen ka ah ee Somaliya iyo Pakistan. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan Pakistan gaar ahaan Karachi ayaa ayaa si diirran usoo dhaweeyay furitaanka qunsliyadda iyagoo sheegay in qunsuliyaddu dabooli doonto baahiyahooda ku aadan waxyaabaha ay u baahanyihiin iyagoo oo mar marka qaarkood ay dantu ku khasbi jirtay inay Islamabad u safri jireen, balse taas hadda laga kaaftoomay maadaama oo qunsuliyadda la furay.

Intii ay socotay xafladda furitaanka qunsuliyadda ayaa kasoo qayb galayaashu daawadeen Video-yo maqal iyo muuqaallo ah oo ka hadlayay quruxda iyo khayraadka dalka Somaliya.  Safaaradda Somaliya ee Pakistan ayaa wada qorshe ay ku doonayso inay sare ugu qaaddo xiriirka Pakistan iyo Somalya, iyadoo Pakistan dhankeeda sheegtay inay marwalba soo dhawaynayso xiriir xooggan oo ay la yeelato Somaliya.

Dadwayne badan oo Somaalyeed ayaa kunool Pakistan waxaana dadka qaarkood sheegaan inay Pakistan u aqoonsanyihiin wadankoodii labaad taas oo ay uga jeedaan sida wanaagsan ee dalka iyo dadka reer Pakistan ay mnarwalba usoo dhaweeyaan dadka Somaaliyeed.

Ugu danbayntii waxaa hadda si toos ah u shaqaynaya qunsuliyaddii Somaliya ee Karachi waxaana dad badan oo Somaliyeed ka rajo qabaan in ay xalllin doonto caqabadaha soo wajaha.

Duran Hassan

Karachi, Pakistan