PUNTLAND oo biyo dhaan xoog leh ka bilowday dhulka baadiyaha

Hay,adda biyaha Puntland (PSAWEN) ayaa markii ugu horeysay biyo dhaan xoog leh ka bilowday deegaanada miyiga iyo tuulooyinka abaartu ka jirto ka dib markii ay hawlgalisay gadiid u gaar ah biyo dhaanka oo ay Puntland u iibisay abaaraha culus ee ka jira dalka Soomaaliya.

Tirada gadiidkan oo ah 6 gaari oo ay ku rakiban yihiin haamaha waaweyn ee biyaha ayaa ka bilaabay wajigii 1aad ee biyo dhaanka  deegaano ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Karkaar, waxaana loo qorsheeyay in Gobolkiiba 3 gaari todobaadka soo socda biyo gaarsiiyaan deegaanada ugu liita, Iyadoona uu noqonayo qorshaha xigga inay Gobolada kale u gudbaan gadiidkani.

Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane oo qeyb ka noqday socdaalka biyo dhaamin ay uga bilaabeen saraakiil ka tirsan Hay,adda PSAWEN deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar ayaa soo tabinaya warbixin kooban oo hordhac u ah barnaamij gaar ah oo aanu ugu magac darnay SAHANKA BIYO DHAANKA PUNTLAND.

Daawo .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST