Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat oo saakay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, masuuliyiintii soo dhaweysayna waxaa horkacaayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Intaasi ka dib, ayaa waxaa Gudoomiyaha Midowga Africa loo galbiyay Aqalka Villa Somalia, halkaasoo uu ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labada dhinac, ayaa kulankoodan kaga hadlay arrimaha abaaraha iyo ammaanka dalka, sida uu xaqiijiyay C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo ka hawlgala Madaxtooyada Somaliya.

Xasan Maxamed Samater Cowke

Puntland Post Muqdisho