Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa goor dhaweyd magaalda Muqdisho soo gaaray Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat iyo wafti uu hogaaminayo.

Moussa Faki iyo wafti uu hogaaminayo waxaa garoonka diyaaraha ee Adan Ade ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaarah dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka socday AMISOM.

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa ayaa la sheegay in uu magaalada Muqdisho u yimid  howlo la xiriira Abaarta ka jirta Soomaaliya iyo dardar galinta howlaha Midowga Africa ee AMISOM, waxaana la filayaa in uu la kulma Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya soo gaarayay wufuud Caalami ah, kuwaas oo u jeedkoodu ahaa xaalada Abaareed ee ka jirta dalka.

PUNTLAND POST