Daawo muuqaalka markabkii ay soo furteen ciidanka badda Puntland

PUNTLAND POST ayaa soo bandhigaysa markii ugu horeysay muuqaalka markabkii lagu haystay caluula oo ay ku guulaysteen ciidamada badda Puntland habeenimadii 17 March 2017 inay kasoo furtaan kooxo la rumaysan yahay inay xiriir la leeyihiin Burcad badeeda Somalida ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Xaabo oo ka tirsan Gobolka Bari.

Markabka ARIS-13 oo ganacsato Somali ah u wada shidaal iyo saliid ayaa ka hor intii aan la afduuban ku wajahnaa dekeda Muqdisho balse iminka waxaa la geeyay dekeda magaalada Bosaso oo la filayo 18 March 2017  oo ku beegan maanta in loogu sameeyo xaflad balaaran oo uu ka qeyb galayo Madaxweyne kuxigeenka dowlada Puntland.

PUNTLAND POST ayaa dadweynaha la wadaagaysa muuqaalkii ugu horeeyay oo ciidanka badda Puntland kasoo duubeen Markabka ARIS-13 ka dib markey ku guulaysteen hawlgalkii ay kusoo furteen, Waana muuqaal laga soo   duubay ka hor intaan la geyn Markabka ARIS-13  dekeda magaalada Bosaso.

Haddaba Daawo Wacan Muuqaalka Markabka ARIS-13.

FG:-Sidoo kale hoos ka eeg sawiro dhawr ah oo laga soo qaaday Markabkii lagu soo furtay hawlgalkii ciidanka badda Puntland ee habeen ka hor ka qabsoomay deegaano ka tirsan xeebta Gobolka Bari.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.