Sidee PUNTLAND ugu guulaysatay furashada MARKABKII la afduubay? Wareysi

Agaasimaha guud ee ciidanka badda Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo wareysi kula hadlay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay hawlgalka ciidanku kaga soo furteen kooxo burcad badeed ah markabkii lagu haystey deegaano ka tirsan xeebta Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Xaaji Xasan in lagu guulaystey soo furashada markabka ka dib hawlgal aan dhiig ku daadan, wuxuuna sheegay inay kaga degeen kooxdii Afduubatay markabka muddo saacado ah oo ay u qabteen Odoyaasha deegaanka iyo dowlada Puntland inay si nabadgalyo ah ugaga degaan Markabka dushiisa.

Waxa uu intaas ku darey Agaasimaha guud ee ciidanka badda Puntland inuu hadda ku wajahan yahay Markabku dekeda magaalada Bosaso oo qorshuhu yahay in loogu sameeyo xaflad balaaran oo ay kazoo qeyb gali doonaan wafti uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Waa hawlgalkii labaad oo Puntland kaga guulaysato kooxaha qafaasha maraakiibta, wuxuuna kasoo ruqaansaday dalka Jabuuti Markabka Puntland soo furay habeenimadii 16 March 2017 , Ka dib markii uu maalmo ka hor u gacan galay koox la rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin Burcad badeedka Somalida.

DAAWO Wareysiga Agaasime Cabdiraxmaan Xaaji Xasan

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST