Reer Puntland oo fagaare balaaran isku cafiyay

Waxaa shalay fagaare balaaran oo ummadda horteeda isku cafiyay dariiqooyin kala duwan oo ka tirsan Culimo udiinka, Ganacsatada,Odoyaasha, iyo Maamulka ka dib isku soo bax midkii ugu balaarnaa abid oo ay si wada jir ah salaada roobdoonta ugu wada tukadeen fagaare ku yaala magaalada Garowe.

Banaan baxaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa noqday mid kulmiya oo dadweynaha hortiisa isku cafiyaan dhinacyo kala duwan oo ka tirsan dariiqooyinka diinta.

Dhamaan dadkii ka hadlay isu soo baxaan roobdoonta ee ka qabsoomay magaalo madaxda Puntland ayaa si wada jir ah Alle uga baryay inuu ugu deeqo raxmadiisa waxayna ku dardaarmeen inay iscafiyaan cid kasta oo laabta isku haysa ama wax kala tirsanaysa.

PUNTLAND POST waxaa u suuro gashay inay dadweynaha la wadaagto muuqaal soo bandhigaya wixii ka dhacay Isku soo baxa ka qabsoomay magaalada Garowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.