Isku Aadka Wareega Sideed dhamaadka Champions League-ga oo la soo saaray

Isku Aadka Wareega Siddeed dhamaadka Champions League-ga

Waxaa maanta magaalada Zyon ee dalka Switzerland lagu qabtay isku Aadka wareega Siddeed dhamaadka koobka UEFA Champions League-ga, iyadoo ay isku Aadeen kooxaha ugu waaweyn horyaalada Qaarada Yurub.

Kooxda difaacanaysa koobkan ee Real Madrid ayaa ku Aadey kooxda Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha ugu Awooda weyn Yurub, halka kooxda Barcelona oo taariikh ka dhigay kulankii ay ugu soo baxaysay wareegan ay ku Aadey Juventus, oo ay isku arkeen sanadkii 2015 Finalkii koobkan oo ka dhacey Berlin.

Sidoo kale kooxda Atletico Madrid ayaa ku Aadey kooxda Champions League-ga ku cusub ee Leicester City, halka kooxda reer Germany ee Borrusia Dortmund ay ku aadey kooxda reer France  ee AS Monoco.

Akhriso Isku Aadka wareega Siddeed dhamaadka

Atletico Madrid vs Leicester City

Borrusia Dortmund vs As Monaco

Bayern Munich vs Real Madrid

Juventus vs Barcelona

kulamada lugta hore ayaa la ciyaari doono 11-ka iyo 12-ka ee bisha April, halka kulamada lugta labaad la ciyaari doono 18-ka iyo 19-ka ee isla bishaas.

Isku Aadkan Siddeed dhamaadka Champions League ayaa ah mid ay kooxaha waaweyn isku reebi doonaan.

Sidoo kale waxaa isla maanta la soo saaray isku Aadka tartanka Labaaad ee horyaalada Qaarada Yurub ee UEFA Europa League-ga waxayna isugu Aadeen sidatan.

Anderlecht vs Manchester united

Celt vs Genk

Ajex vs Schalke 04

Lyon vs Besiktas

Kulamadan ayaa lugtooda hore waxaa la yiyaari doonaa 13-ka April, halka lugta Labaadna laciyaari doono 20-ka isla bishaas.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST