40 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay Yemen

In ka badan 40 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilay dalka Yemen, kadib markii xalay ay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah duqeysay Dooni ay saarnaayeen oo mareysay Xeebaha dalkaas.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray Haween iyo Caruur waxayna u socdeen dalka Sudan iyaga oo wata waraaqaha aqoonsiga qoxootinimo ee ay bixiso Hay’dda qaxootiga Aduunka ee UNHCR, waxayna ka cararayeen dagaalada ka socda dalka Yemen.

Waxaa weerarkaas ka badbaaday 80 qof waxaana la geeyay magaalada Xudeyda, sida ay sheegeen Saraakiil u hadashay Hay’dda socdaalka Aduunka ee IOM.

Mucaaradka Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa weerarkaas ku eedeeyay isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga, kuwaas oo weeraro ka fulinayay dalka Yemen tan iyo sanadkii 2015.

Soomaali fara badan ayaa dalka Yemen isa carartay tan iyo markii ay dagaaladu ka qarxeen dalkaas, iyagoo in tooda badan ay soo Aadeen dalkooda Soomaaliya.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST