Xiisad Dagaal oo dhexmartay Ciidamada Badda Puntland iyo kooxda haysata Markabka ARIS-13

Bosaso-(Puntland Post) Wararka naga soo gaaraya Degmada Xaabo ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in ay Ciidamada Badda Puntland iyo kooxdii Afduubtay Markabka ARIS-13, uu saaka dagaal ku dhexmaray degmadaas.

Gudoomiyaha Degmada Caluulla oo aan la xiriiray ayaa ii sheegaya in saaka  iska hor imaadku ka dhashay koox sixiimad wadata oo u socday kooxda Afduubtay Markabka ay iska hor istaageen Ciidamada Badda Puntland, ka dibna uu halkaasi ay isku weydarsadeen Rasaas.

Way adag tahay in la ogaado khasaraha iska hor imaadkasi ka dhashay.

Ciidamada Badda Puntland ayaa wada Abaabul dagaal oo ay doonayaan in lagu go’odoomiyo kooxdan hayasata Markabka ARIS-13 .

Dhinaca kale Ciidamada Shisheeye ee kusugan Xeebaha Soomaaliya ayaa ku soo dhawaaday Biyaha Degmada Xaabo oo ah halka uu joogo Markabku waxayna xooga saarayaan in ay qeyb ka noqdaan howlgal Milateri oo ay fuliyaan Ciidamada Badda ee Puntland.

LASOCO PUNTLAND  POST  WIXII SOO KORDHA

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST