Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Roob doon Maanta lagaTukadey Garowe

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey  ayaa maanta 16 March 2017 Magaalada Garoowe ee Casimada Dawladda Puntland kaga qayb galay roobdoon laga tukadey.

Banaanbaxa  Alle lagu waydiisanaayey Raxmadiisa ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, shacabka iyo waxgaradka Caasimada Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha oo kahadlay goobta Alle lagu waydiisanaayey raxmadiisa ayaa waxa uu dhammaan dad weynaha reer Puntland ku booriyey kuna waniyey inay is cafiyaan isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo ku keenaya alleh ka fogaansho.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Cumar camay ayaa waxa uu Alle  ka baryey in uu abaarta ka dulqaado umadiisa uguna bedelo raxmadiisa, isla markaana Allaha raxmaanka ahi uu ka aqbalo ducada iyo rabitaanka umadiisa ee ay saamaynta ku yeelatay abaartu.

Isimada,  Culimada, aqoon yahanka  iyo waxgarad kale oo ka hadlay madasha roobdoonta ayaa dhankooda alle ka baryey inuu abaarta ka saaro ummadiisa uguna bedelo aaran iyo raxmad ay ku ilaawaan abaarta baaxadale ee saamaysay dad iyo duunyoba.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ku booriyey shacaka Puntland meel kastay joogaan inay u istaagaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen caawinta dadkooda, isla mar’ahaantaana ay sibuuxda qayb uga noqdaan gurmadka lagu caawinayo Ummaada Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DHAWLADDA PUNTLAND.

Dhegayso Codka Madaxweyne Ku xigeenka Puntland:-