Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Goordhow Lagu Dhawaaqayo

Ilo ku dhow dhow Xafiisyada Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku waramaya in Goordhow lagu dhawaaqi doono Golaha wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabad kooban ayaa la sheegay in ay ka dhici doonto xarunta Madaxtooyadda Soomaliya, islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan Guddoonka Golaha shacabka iyo aqalka ayaa loogu dhawaaqi doono liiska Golaha Wasiirada cusub.

Wararka ayaa intaa ku daraya in haatan ay socoto diyaarinta xaflada kooban ee looga dhawaaqayo Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaliya , waxaana arinta magacaabista Golaha Wasiirada si aad ah looga hadal hayaa Xafiisyada dowladda.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo gaba gabeeyay wada tashiyo ay wadeen todobaadyadii u dambeeyay, waxaana xalay labada mas’uul ay yeesheen kulan albaabada uu u xirnaa oo ay kaga hadleen arrinta Golaha wasiirada Cusub.

Waxaa la hadal hayaa in Golaha wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya ay kasoo dhex muuqan doonaan xubno ku cusub siyaasadda Soomaliya, islamarkaana laga badin sidii horey u ahaayeen.

Isha ku Haay Puntland Post.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho