Gaalkacyo: Amal Bank oo Amaah Qardu Xassan ah u samaysay 70 dumar oo ganacsatada yar yar ah

Bankiga Amal oo inta badan si weyn uga dhex muuqda adeegyada bulshada iyo hormarka guud ayaa waxa uu si siman uga bilaabay xarumihiisa kala duwan barnaamij kor loogu soo qaadayo ganacsatada yar-yar ee dumarka ah.

Barnaamijkaan oo ganacsatada lagu siinayo lacago Amaah ah oo aan faa’iido lasocon (Qardu Xassan) ayaa faraca Bank-ga ee magaalada gaalkacyo waxa uu xaflad u qabtay 70 kamid ah hooyooyin ganacsatada yar yar ah oo ka faa’iidaystay wajiga koowaad ee barnaamijkaan.

Xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada oo iskugu jira ganacsato, hooyooyin, dhalinyaro, dhaqanka, siyaasiyiin, maamulka gobolka Mudug ayaa waxaa aad loo bogaadiyey talaabooyinka hormarka leh ee ay Amal Bank markasta kawado bulshada dhexdeeda.

Maamulaha Amal Bank ee gobolka Mudug Abdishakur Hersi Qureex oo xafladda furay ayaa ka hadlay ujeedka xafladdan loo qabtay iyo sida ay shirkadda Amal uga go’antahay markasta in ay ugu horayso waxtarka bulshada, maamulaha ayaa sheegay in uu barnaamijkan aysan maanta u horayn una dambeyn ee uu yahay bilaw ayna markasta garab taaginyihiin ganacsatada yaryar, Mr Qureex ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkan ay la socon doonaan tababarro joogto ah iyo latalin si ay ganacsatadu hab fiican ugu maamulaan ganacsigooda.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Hassan Mohamed khalif oo goobta kahadlay ayaa aad u bogaadiyey sida ay Amal u garab taagantahay ganacsatada yar-yar iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in uu goob jog usoo ahaa marmar badan Amal oo ka qayb qaadanaysa arimaha bulshada sida in ay lacago deeq ah ku wareejisay gudiyada abaaraha ee kala duwan, taageerista caafimaadka iyo waxbarashada. Gudoomiyaha ayaa kula dardaaramay haweenka loo sameeyey Qardu xassanka in ay kaga faa’iidaystaan hormarinta ganacsigooda isla markaasna ay ka faa’iidaystaan aqoonta iyotabo barada lasocda.

Sidoo kale Mulkiilaha Hotel Ajzeera Ahmed Mohamed Geelle oo isagu goobta ka hadlay ayaa aad u amaanay doorka Amal Bank ku leeyahay hormarka bulshada.

Madaxa hormarinta ganacsiga Amal Galkacyo Omar Abdulahi ayaa sharaxaad kabixiyey adeegyada Bank-gu u hayo bulshada isaga oo u hambalyeeyey ganacsatada nasiibka u yeelatay in ay ka faa’iidaystaan wajiga kowad ee barnaamijkan.

Xaawo Mire Faarax oo ka socotay Wasaarada Haweenka Puntland iyo Caaqil Abdinasir Egal Hersi oo iyagu goobta ka hadlay ayaa bogaadiyey talabada Amal qaaday iyaga oona u hambalyeeyey ganacsatada yaryar ee nasiibka u yeelatay barnaamijkan.

Bahda Amal Group oo uu ka tirsanyahay Amal Bank ayaa inta badan kamuuqata taageerista waaxyada muhiimka ah ee bulshada sida hormarka, waxbarashada iyo Caafimaadka, taas oo ay inta badan bulshadu ku bogaadiyaan.