Erdogan oo wali weerar Afka ah ku haya Holand

Turkiga dagaalkiisa xagga hadalka ee ku wajahan Holand ayaa kasii kululaanaya kuwii hore, kaddib markuu mudane Erdogan uu dowladda Holand ku eedeeyay inay gacan-libaax ku lahaayeen xasuuqii Bosnia ka dhacay sanadkii 1995,   gaar ahaan magaalada Srebrenica.
Ciidamadii nabad ilaalinta ahaa ee ka socday dalka Holand waqtigaas  ayaa ku guuldarraystay inay magangaliyaan dadkii Muslimiinta Bosnia ahaa oo waqtigaas ay xasuuqayeen ciidamada Serbia.
Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inay wali muuqdaan dhibaatadii ay ku luglahaayeen ciidamadii nabad ilaalinta Holand ee Bosnia ku sugnaa.
Raysal wasaaraha Holand Mark Rutte ayaa warfidiyaannada u sheegay in eedeyntaasi tahay been abuur.
Rutte wuxuu yiri, “Mr Erdogan wuxuu u muuqdaa qof sii xanaaqaya marba marka ka dambeysa waxaan ka codsanayaa inuu isdajiyo”.
Carada Turkiga waxay timid markii dowladda Holand ay laba wasiir oo Turkey ah u diiday inay waddankeeda galaan, si ay ula hadlaan dad Turkey ah oo deggen dalka Holand.
Taa baddalkeeda madaxda Turkidu waxay Holand ku eedeeyeen inay tahay  “Haraadigii Nazi” waxay kaloo Turkidu cagta u dhigeen inay soo dhawayn heer sare ah u sameeyaan safiirkii Holand oo markaas Ankara kusoo dagay, waxaa kaloo intaa u dheer inay booska ka saareen ixtiraamkii xagga diblomaasiyadda labada waddan.
Raysal wasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay in waddankiisu cunaqabatay xagga dhaqaalaha kusoo rogi doono Holand, taasoo uu ula jeedo inay canshuurta ku kordhin doonaan wixii waddanka Holand ka yimaada.
Xog-haynta arrimaha siyaasadda Yurub haweeneyda la yiraahdo Federica Mogherini ayaa ka codsatay Turkiga “Inay joojiyaan hadallada xad-dhaafka ah iyo ficillada sii murjin kara xaaladda”.  Hadalka xog-haynta ayaa u muuqda kuwa aan wax ka baddalin xaalka taagan.
Turkidu, hadalka xog-haynta waxay ku tilmaameen waxaan macno lahayn!
Maxay Holand u diiday in shicibka Turkidu dibad-baxaan?
Xurguftu waxay  timid markii laba wasiir oo Turki ah loo diiday inay waddanka Holand galaan, si ay ula hadlaan dad asalkoodu Turki yihiin oo ku nool dalka Holand.
Isu-soobaxa ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dadka loogu dhiirigalin lahaa inay taageeraan afti la doonayo inay dhacdo 16-ka April oo  sharciga dalka Turkiga waxlooga baddalo, taasoo awood dheeraad ah siinaysa madaxweynaha Erdogan.
Dowladda Holand ayaa go’aansatay inaysan dhicin arrintaas, waxayna ku sababaysay arrimo ammaan awgood.   Dad gaaraya 5.5 Milyan oo Turki ah ayaa ku nool Yurub, 400 oo kun oo kamid ah waxay ku noolyihiin dalka Holand.
Xasuuqii Srebrenica
Erdogan oo markii hore weerarka  afka wuxuu  u adeegsaday “Haraadigii Nazi”  haatan waa ka duwan tahay oo wuxuu bartilmaameedsanayaa halka dowlad waliba ka jilicsan tahay.
Mr Erdogan wuxuu cod dheer ku yiri,   “Holand iyo annaguba waan ognahay xasuuqii ka dhacay Srebrenica, waan la socnaa anshax xumadii iyo falalkii lagula kacay 8-kun oo qof oo Bosnia u dhashay”.
Sidee arrinkani ugu lug-yeelan karaa doorashada Holand.
Arrinkani wuxuu imaanayaa maalmo kahor iyadoo la isku diyaarinayo cod-bixin guud oo ay shacabka dalkaasi u dareeri doonaan, waxaana doorashada dalka hareeyay muhaajiriinta iyo waxay   ku tilmaamaan xagjirnimada Islaamka.
Xisbiga Cunsuriyiinta ee Freedom Part uuna madax u yahay ninka Islaam nacayka ku fogaaday Geert Wilders ayaa u muuqda mid ka faa’iidaya arrimahan ka dhex aloosan Holand iyo Turkey.
Arrintani ma noqon kartaa mid kusii faafta Yurubta kale?
Mudane Erdogan ayaa u digay waddamo kale oo uusan sheegin cawaaqib-xumo ay la kulmi karaan hadday ku dhaqaaqaan wixii Holand ay fashay.
Waddamada Yurub ayaa faaiido weyn ku qaba in Turkigu uusan kusoo siidayn malaayiin qaxooti ah oo uu dalkiisa ku hayo. Waxayna madaxda Turkidu soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Yurub lala galay ee muhaajiriinta.
Tan iyo sanadkii hore bishii   March waxaa laba jibaar hoos u dhacay muhaajiriintii gaari jirtay Giriiga tan iyo markii heshiis buuxa Turkiga lala galay.
Hadallada weerarka ah ee qayaxan ee kasoo baxaya madaxda Turkida waxay u muuqdaan kuwa farriin ah oo tilmaamaya in Turkigu uusan u baahnayn Yurub ee iyagu ay u baahan yihiin Turkiga.
Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com