Dib u Dhac ka yimid ku Dhawaaqista Golaha Wasiirada Soomaaliya

Sidaan horay u Daabacnay waxaa Caawa lagu Waday in Ra’isilwasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku dhawaaqo Golaha Wasiiradiisa.

Warar aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Dib loo Dhigay Magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Warar Xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in la xalinayo Tabasho ay soo gudbisteen qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale xogtaan ay heleeyso Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in Isbuuca soo socdo lagu dhawaaqi doono Golaha wasiirada haddii aanay wax is badalin.

Dadka Soomaalida ah ee dalka iyo Dibada ayaa si aad ah u sugaya Magacaabista Golaha Wasiirada Kuwaasi oo kala socda Warbaahinta iyo Halka ay ku kulmaan Bulshada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho