Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dadweynaha Muqdisho kala qeyb galay Salaad Roob doon ah

Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali KHeyre ayaa maanta oo Talaado ah dadweynaha magaalada Muqdisho kala qeyb galay Salaad Roob doon ah.

Salaada Roob doonta ah ayaa waxaa kaloo ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ah, qaar ka mid ah Culumada Soomaaliyeed, Ardeyda Dugsi Quraanka, iyo dadweyne aad u badan, waxaana lagu tukudey banaanka hore ee Masjidka Isbaheysiga.

Markii Salaada Roob doonta la dukaday ayaa waxaa Duceeyay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, kuwaas oo sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay Alle u toobad keenaan.

Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo si goobta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Abaartaan ay ku timid danbi ay galeen dadka Soomaaliyeed, haatana looga bixi karo oo kaliya in lees Cafiyo.

Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo gaba gabadii la hadlay dadka ka soo qaybgalay Salaada Roob doonta ayaa tilmaamay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada baahsan ee ka jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.

Sidoo kaleRa’iisul wasaare Kheyre ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhexdooda isku gurmadaan oo ay isku naxariistaan, maadaama Abaartu haatan ay xoolo beel ku riday dad badan oo soo maaliyeed.

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa horay u iclaamiyay in maanta oo Talaado ah dalka oo dhan laga dukado Salaad Roob doon ah.

PUNTLAND POST