Kumanaan qoys oo ku barakacay gudaha Puntland iyo Xaalada Abaarta oo cuslaatay

Xaalada abaarta ee ka jirta Deegaanada Puntland ayaa mareysa heerkii ugu sareeyay, waxaana kusoo xerooday magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyin kumanaan qoys oo ku barakacay abaarta.

PUNTLAND POST oo heshay clip/ama muuqaal yar oo ka turjumaya xaalada abaarta waxa ka dhex muuqanaya boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta ka jirta deegaano ka tirsan Gobolka Mudug oo hoosyimaada Puntland, Kuwaas oo ku xerooday kaamam laga sameeyay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Guud ahaan inta badan xaalada Gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada dhexe iyo Kuwa Puntland waa mid isku mid ah marka loo eego heerka ay gaarsiisan tahay waxyeelada qoysas fara-badan kazoo gaartay Abaarta ku dhufatay dalka Soomaaliya.

Marba marka ka dambeeya xaaladu waa mid kasii dareysa, waxaana jira cuduro ka dilaacay abaarta oo ay ugu horeyso nafaqo daro baahsan oo ku dhufatay dhulka miyiga ah.

Daawo heerka Abaarta iyo Qoysaska ku barakacay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST