Burcad-badeed Soomaali ah oo Markab ku haysata Biyaha Degmada Caluula

Bosaso -[Puntland Post] Burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay afduubeen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah oo marayay Badweynta India, iyadoo la sheegay in ay la soo Aadeen Xeebaha Degmada Caluula ee Puntland.

Ila-wareedyo lagu kalsoonyahay oo qaar kamid ah warbaahintu helayso ayaa sheegaya in Markabkan laga leeyahay dalka Jarmalka, halka warar kalana ay sheeyagaan in markabkaasi uu ku gooshayey Calanka Siiralanga.

Xaraare Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka kunool Degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u sheegay in dhalinyaro Kalluumeysato ah Markab ay soo Afduubteen in ay keeneen Degmada Caluula ee Gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhalinyaro ka badan 40 in ay Markabka fuushan yihiin ,islamarkaana ay doonayaan in ay kula gorgortamaan Maamulka Puntland.

Waxaa xusid mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Soomaliya ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Arintan ayaa ku soo adaysa iyadoo Ciidamada la-dagaalanka Burcad badeeda ee ku sugan biyaha Dalka Soomaaliya ay sanadkii hore ku dhawaaqay inay joojiyeen howlgalada, ka dib markii ay sheegay in hoos u dhac uu ku yimid khatartii ka imaan jirtay kooxaha Burcad badeeda.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST-BOSASO