Ugaas Muxyadiin Ugaas Cabdi Oo Lagu Caleema Saaray Boosaso

Munasabadan oo lagu Caleemasarayay Ugaaska Guud ee Beesha Cali Xajiijle Ugaas Muxiyidiin Xaaji Cabdi Axmed ayaa waxaa ka soo qayb galay Waxgarad tiro badan Nabadoono Ugaasyo Siyaasiyiin Wasiirki Hore ee Amniga Puntland Gudomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Shanta Gobol Iyo Marti sharaf kale oo munasabada lagu casuumay.

Ugaas Muxuyidiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmed ayaa Waxaa Xilkan loo Calemasarayay ka Geeryoday Abihii Ugaas Xaaji Cabdi Axmed waxana isku racay in loo Caleemasaro Waxgaradka Beesha iyo Odayasha Dhaqanka Somaliyeed.

Munasabadan Caleemasaarka Ugaaska Guud ee Besha Cali Xajiijle intay socotay Waxaa Rabi laga baryay inuu Abaarta naga dul qaado Ugaaskana Rabi Shaqada U fududeyo.

Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo Iyo Nabadoon Axmed Cali Maax Ayaa Si Wada Jira U Shegay In Shaqada Adag Lagu Garab Istaago Ugaaska.

Wasiirki Hore Ee Wasarada Amniga Puntland Cabdirisaaq Aloore Iyo Ganacsade Cismaan Shire Quud Waxay Shegeen Inay Tagero U Mujinayaan Ugaaska.

Cabdirashiid Ismaciil Boqor Oo Wakiil U Ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse  ayaa sheegaya in uu salaan iyo marxabeen uu kawado Boqor Burhaan Boqor Muuse islamarkaan uu Ale uga baryey in xilka loo dhiibay uu Ufududeeyo Ugaaska Beesha Cali Xijiijle .

Ugaas Xasan Ugaas Yasiin Suldaan Ciise Maxamed Suldaan Maxamed Bashiir Iyo Beldaaje Cali Faarax Waxay Si Wada Jira Rabi Uga Baryeen Abaarta Dadka Somaliyeed Inuu Ka Saaro.

Ugaaska Guud Ee Belawaynta Cali Xajiijle Ugaas Muxiyidiin Ugaas Xaaji Cabdi Axmed Ayaa Ka Codsaday Dadka Inay La Shaqeyaan Si Ay Hormar Lo Gaaro waxan uu Ale ka baryey in xilka u fududeeyo.

Markii Ay Soo Dhamatay Munasabada Lagu calemasarayay Ugaas Muxiyidiin Uaas Xaaji Cabdi Axmed Ayaa Dadkii Ka Soo Qayb Galay Waxay U Hambalyeyeen Ugaaska Waxayna Rabi Uga Baryeen Inuu Shaqada U Fududeyo.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST