Ciidamo gadoodsan oo xiray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Milatariga dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray Wadooyin dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ciidamada gadoodsan oo watey gaadiidka dagaalka ayaa ka gadoosan mushaar la’aan la soo deristay moddo dhowr bilood ah, waxayna diideen isu socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha mana jirto wax dhibaato ah oo ay geysteen ciidamadaasi.

Ciidamada gadoodsan ayaa xiray Wadooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin KM4, Isgooska Zobbe, Maka Al-Mukarama waxaana laga yaabaa in ay ku sii faafaan wadooyin kale.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax War ah oo ka soo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku aadan ciidanka gadoodsan ee xiray qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho, iyadoo horey ciidamadu ay taaagero u muujiyeen markii madaxweyne Farmaajo ku guuleystay xilka madaxtinimada dalka .

Arintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo maalmo ka hor ay ciidamo gadoosan lawareegeen Kastamka Waqooyi ee magaalada Garowe.

PUNTLAND POST