Bam lagu weeraray Madaxtooyada Hirshabeelle

Bamka oo laga maqlay inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ayaa waxaa xigay rasaas la riday hase yeehee ma jirto wax khasaare ah oo uu geystey bamkan.

Xarunta Madaxtooyadda ayaa la sheegay in uu ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo xalay gaaray Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulan kula jiray xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Madaxtooyadda maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay fureen Rasaas badan .

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST