Madaxweynaha Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo u Ambabaxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 10 March 2017 safar shaqo ugu ambabaxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabka, Kana duulay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha Iyo weftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso International Airport ku sii sagootiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarka isaga iyo weftigiisu ay ku aadeen Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Cabrabta uu la xiriiro arrimo ay ka mid yihiin amaanka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalada Dawladda Puntland.

‘’waxaan maanta u ambabaxaynaa aniga iyo weftiga aan hogaaminayo safar kooban oo aanu ku tegi doono Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo aanu uga qayb geli doono hawlo la xiriira amniga iyo horumarinta kaaba yaasha dhaqaalaha Dawladda Puntland, illahay waxaan ka rajaynayaa inuu nagu soo guuleeyo socdaalkaas waxbadan oo khayr u ah Dawladda Puntland iyo shacabkeedaba aanu ka keeno kana soo faa’iidno’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugu danbyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dardaarmay shacabka Dawladda Puntlandd meel kast oo ay joogaanba inay ka shaqeeyaan nabad gelyadda, xasiloonida, karaamada iyo sharafta dalka, isla markaana ay wadda shaqayn dhow la yeeshaan ciidamada ku hawlan ilaalinta iyo sugida amnigooda si horumar iyo kala danbayn waarta dalku u helo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Degayso Codka Madaxweynaha:-