30 qof oo ah shaqaale ka tirasan Ispitaalka Boosaso oo Tababar loo soo Gabagabeyey

Boosaso[Puntland Post]Tababar u socday 15 cisho ku dhawad 30 qof oo ah shaqaale ka tirasan Ispitaalka wan ee Boosaso  ( Bosaso general Hospital) ayaa loo soo gaba gabeyey Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobalka Bari,.

Waxana uu Tababar kani ku sabsanaa maaraynta khatarta soo wajihi karta shaqaalaha caafimaadaka ( biorisk Mangment Training).

Tababarkan waxaa maalgaliyay (CRDF global) waxaan fududeeyay machdaka cilmi barista iyo horumarinta CRTD ( center of research training and devlopment).

Iyadoona  shaqalahan uu Tababarkan u soo gaba gabeyey Maamulaha guud ee Cuspitaalka Boosaso.

Maxamed Axmed Xuseen oo ah Maamulaha guud ee Ispitaalka Boosaso ayaa ugu horan faah fahin ka bixyey waxayaabuhuu tababarkan ku saab sanaa isagoona shaqalahan kula dar daaramay in ay bulshad ay uga faa ideeyan waxayabaha ay barteen.

Waa Tababarkii ugu horeyey oo noocan oo kale ah oo lagu qabto Puntland dadka nasiibka u yeeshayna waa idinka waxan tababarkani uu leyahay mihiimad aad u wan idinkana faado idin leh.

Waxana idin sheegayaa in aad sidii wax la idin baray aad uga faa idaysan kuwo aan helin furasada noocan oo kale ah si ay iyaga Aqoontoodu u sarayso.

Siciid Maxamed Jaamaca oo ah khabiir dhanka shaybaarka ah oo dhankiisa ka hadlay Tababarkan ayaa shaqalahan u sheegay in ay iska ilaaliyaan waxayabaha khatarta u keeni karta xiliyada ay ku jiraan shaqada islamarkaan ay u adeegayaan bukaanka.

Ugu danbantii shaqalan ayaa waxa la siyey shahaadooyin loogu tala galay oo ay ku mutasten xirfadooda.

Tababarkan ayaa noqonaya kii ugu horeyey oo lagu qabtao guud ahan Puntland lana siiyo  shaqaale ka tirasan Ispitaalka wen ee Boosaso.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST