Somaliland oo codsi u dirtay Dawlada Cusub ee soomaliya

Kadib markii dhawaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliyaka soo horjeesatay heshiiska ku saabsan saldhiga Millatari ee laga hirgelinayo Magaalada Berbera ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland waxa ay codsi u direen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre.

Waxa ay ka cod sadeen madaxda dawalada Federlaaka ah ee Soomaliya in ay san soo faro galin Saldhiga Imaaraadka Carabta uu ka dhisanayo Magaalada Berbera ee Xarunta Gobalka Saaxil.

Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Somliland Maxamuud Xaashi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre in uu ka doonayo in ay joojiyaan fara-gelinta, isaga oo sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal in ay la gasho Dowladda Federaalka, balse hada ay ku mashquulsan tahay Doorasho.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST