Mudo 25 Sano kadib waxaa dib loo furayaa Wadooyinka Gaalkacyo

Maamullada Puntland iyo Galmudug  ee Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa si wadajir ah u shaaciyay in ay isu furayaan Waddooyinka kala xiran ee Magaalada Gaalkacyo taas oo socotay wax ka badan 25 Sano.

Guddoomiyayaasha Magaalada Gaalkacyo ee labada dhinac Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey iyo Xirsi Yuusuf Bare, ayaa midba dhankiisa uga dhawaaqay in uu si iskiis ah u furayo waddooyinka xiran ee Gaalkacyo waxana ay labada guddoomiye sheegeen in kala xirnaanshaha Gaalkacyo aysan sababteeda lahayn shacabka dega ee ay tahay Siyaasad.

Waxaa ay Labada Guddoomiye ku sheegeen in ay isu furayaan Waddooyinka kala xiran ee Gaalkacyo iyada oo dadka wada dega aysan ahayn dad kala duwan sidaas darteedna loo baahan yahay in la furo Waddooyinka.

Markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayey shacab faraxsan marqura qaadeen dhagxaantii sidoo kalena fureen waddooyinkii xirnaa laakiin maalmo kaddib dib ayaa loo xiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  horay u sheegay in Dowladdiisa ay ilgaar ah ku eegeyso Gaalkacyo sidoo kalena uu booqasho ku tagayo magaaladaas.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST