Itoobiya oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya ka dib markii xilku ka dhamaaday Wondimu Asamne oo ahaa safiirkii hore ee u fadhiyey saacimada dalka ee Muqdisho.

Safiirka cusub ee Itoobiya soo magacowday ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar wuxuuna ka soo jeedaan dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya horeyna waxa uu u ahaa safiir ku xigeenkii hore, sidoo kale ahaa Wakiilka gaarka ah ee Itoobiya u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa baahisay in Madaxweynaha dalka Itoobiya Mulatu Teshome, Warqad xafiskiisa kasoo baxday lagu magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Itoobiya.

Safiirka cusub ee Itoobiya u soo magacowday Soomaalia ayaa noqonaya safiirkii Labaad ee ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii Cabdicasiis Axmed Aadan uu horey Labo jeer u soo noqday safiir.

Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa dowladda Itoobiya waxa ay u aragtaa in ay ku xoojin karto xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

PUNTLAND POST