Barcelona oo sameysay soo laabashadii Ebid ugu Weyneed Taarikhda Kubadda Cagta

Sinaba shaki uma galin kartid in Barcelona ay hubisay hirgalinta taariikhdii ugu weyneed kubadda cagta kadib markii ay 6-1 ugu awood sheegteen kooxda Paris Saint Germain, waxeyna noqotay kooxdii ugu horeysay ee kasoo laabata guuldaro 4-0 ah oo lagu qaarijiyo lugta hore.

Barcelona haatan waa kooxda dhigtay mucjisada ugu weyn kubadda cagta, waxeyna si raaxo leh ku fadhiayan quarter finalka tartanka horyaalada yurub kadib markii ay Paris u direen wiilashii Unai Emery.

Kadib goolkii Lionel Messi ee gool ku laadka ahaa, Edison Cavani ayaa dilay rajada Jamaahiirta Camp Nou kadib markii uu ka dhaliyay gool ku qasbay iney sadex gool raadiyaan, waxaana qof walba oo rajo yar ka lahaa ciyaarta uu is dhiibay waqtigaaas.

Xusuusta kama go’i doonto wixii ka dhacay Camp Nou, Neymar Junior ayaana dhabarka u rita masuuliyadda sadexda gool ee ay u baahneed kooxdiisa, wuxuuna dhaliyay laba ka mid ah halka goolka sadexaad ee guusha uu caawiyay waxaana si lama filaan ah shabaqa u dhex dhigay Sergi Roberto.

QAABKII MUCJISADA CAMP NOU KU DHACDAY:

3mins: Suarez 1-0 (agg 1-4)

40mins: Kurzawa (own goal) 2-0 (agg 2-4)

50mins: Messi (penalty) 3-0 (agg 3-4)

62mins: Cavani 3-1 (agg 3-5)

88min: Neymar 4-1 (agg 4-5)

90+1mins: Neymar (penalty) 5-1 (agg 5-5)

90+5min: Roberto 6-1 (agg 6-5)

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2017/03/08/20/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2017/03/08/20/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2017/03/08/21/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2017/03/08/21/https://pbs.twimg.com/media/http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2017/03/08/21/

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST