Arsenal oo laga soo reebay tartanka Champions leaque-ga

Kooxda  Bayern Munich oo Arsenal marti ugu aheyd garoonkeeda Fly Emirates ayaa ugu awood sheegatay isla natiijadii kulankii Allianz Arena taas oo la micno ah in Bayern Munich ay Labadii kulan ee Champions leaque-ga 10 gool ka dhaliyay Arsenal oo waji gabax jamaahiirteeda kula hor kulantay Inkasta oo ay Arsenal gool ku hormartay qaybtii hore ee ciyaarta, haddana qaybtii danbe ayay Bayern Munich shan gool ugu badashay iyada oo Arturo Vidal uu Labo gool dhaliyey.

Arsenal ayaa goolka la hor martay Daqiiqadii 20-aad ee bilowga ciyaarta ka dib markii Theo Walcott uu goolka u saxiixay isagoo caawin ka helay Olivier Giroud waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Arsenal ayaa xaaladu ku xumaatay kadib marki uu  Laurent Koscielny Daqiiqadii 53-aad  ee qeybtii danbe ee ciyaarta qaatay kaadhka cas oo toos ah, kadib markii uu qalad ku galay Robert Lewandowski oo doonayay in uu Bayern u keeno goolka barbaraha. Laurent Koscielny uu kaadhka cas qaatay isla markaana rekoodhe sii galay, isla Robert Lewandowski ayaana  rekoodhihii  gool u badalay waxayna ciyaartu noqotay  barbaro 1:1 ah.

Intaas wixii ka danbeeyey waxaa Arsenal ku dhacay jaah wareer waxaan goolka Labaad Bayern Munich u saxiixay Arjen Robben kadib markii uu Davi Ospina  ku fashilmay in uu si fiican kubbada iskaga saaro waxayna ciyaartu noqotay 2:1 oo ay Bayern Munich d hogaanka ku heyso.

Daqiiqadihii 78-aad, 80-aad iyo 85-aad ayaa Fadeexada Arsenal lagu waday halkeeda ka sii socotay markii uu goolka Sedexaad dhaliyey Douglas Costa isagoo caawin ka helaya Rafinha, halka goolka Afraad uu dhaliyey Arturo Vidal oo caawinaad ka helay Xabi Alonso, waxaana gooolka Shanaad mar kale ku soo xiray Arturo Vidal, ka dib markii uu caawin wanaagsan ka helay  Douglas Costa, waxay ciyaartu ku soo dhamaatay 5-1 oo ay Bayern Munich ugu soo baxday wareega Siddeeda ee Champions language-ka.

Wadar ahaan Bayern Munich ayaa labada kulan Arsenal ka dhalisay 10 gool taas oo ah taariikh kale oo madaw,waana xili ciyaareedkii todobaad oo xidhiidh ah oo ay ku hadhay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque-ga.

PUNTLAND POST