Jaamacadda Badda Cas oo Gurmad u fidisay Abaaraha Puntland

Barnaamiijkaan ayaa daahfurkiisa waxaa ka soo qayb galay maamulka Jaamacadda, masuuliyiinta dowlada ee gobolka Bari, gudiga gargaarka abaaraha, aqoonyahanka, haweenka iyo martisharaf kala duwan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Badda Cas Prof. Cabdulahi Sheekh Xassan ayaa xusay in jaamacadda si aan kala har lahayn uga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha ayna isku xilqaatay arintaas.

Prof. Cabdullahi ayaa dhamaan maamulka, macalimiinta iyo ardayda ugu baaqay in ay doorkooda ka soobaxaan loona baahanyahay in wax kasta looga qayb qaato abaaraha maal, xoog iyo talaba.

Sidoo kale barafasoorka ayaa talooyin badan soojeediyey iyo mustaqbalka sidii looyarayn lahaa saamaynta baaraha.

Gudoomiyaha gudiga gargaar abaaraha mudane Maxamed Yusuf Jamac Tigay ayaa ardayda ku guubaabiyey in ay si lixaad leh uga qayb qaataan gurmadka waxa uuna xusay wanaaga qofka samafalaha ah iyo in uu waxa uu labaxayo aduun iyo aakhiroba afcacayso isaga oo in badan ku nuuxnuuxsaday sidii la iskaga kaashan lahaa looguna gargaari lahaa dadka iyo duunyada abaartu waxyeelaysay.

Gabagabadi ayaa waxaa sooxiray Gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari Axmed Cali Cabdullahi Ciro. Gudoomiye Ciro ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday in marwalba musiibooyinku u baahanyihiin sidii iyadda oo gacmaha lays haysto looga bixi lahaa abaartuna tahay musiibo qaran oon saamaysay dhamaan dadka soomaaliyeed.

Barnaamijka gurmadka ayaa kusoo idlaaday jawi aad dadkii ka sooqayb galay ay uga qiiroodeen ka dib markii gudigu soo bandhigeen muuqaalo ka turjumaya xaddiga abaartu le egtahay iyo sida dadka ugu soo carareen deegaanada gobolka Bari ee bilihii la soodhaafay uu qabtay roob aan sidaas u badnayn.

Jaamacadda Badda Cas ayaa mar walba waxa ay u taagantahay waxqabadka bulshada iyo sidii loo garab istaagi lahaa.

SAWIRRO :

 

CABDIQANI BOOS

XAFIISKA PUNTLANDPOST BOSASO.