Qarax Bambo gacmeed ah oo lagu tuuray Maxkmada derejada kowaad ee Bosaso

Bosaso-[Puntland Post ] Inta lahubo Afar qof oo shacaba ayaa ku dhaawacmay Bambo gacmeed lagu tuuray maxkamada darajada kowaad ee magaalada Bosaso.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyey Isbitaalka Bosaso oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Kooxdii weerarka gaysatay ayaa ka cararay goobta, waxaana xiliga uu weerarku dhacay kasocotay maxkamada dhegaysiga dacwado dad shacab ah.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta uu qaruxu ka dhacay gaaray waxayna wadaan baari taano la xiriira qaabka uu u dhacay Qaruxu.

la soco wixii soo kordha, Puntland Post

CABDIQANI BOSĀ 

PUNTLAND POST