Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne LR.21 ee March 03 2017 kuna saabsan xilka qaadis Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:              Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay.             Garawsaday baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo Maamulka sare ee   Hay’adda Wadooyinka Puntland.

Markuu tixgeliyey:      Talo soo jeedinta Guddiga sare ee Hay’adda PHA (BOD).

Wuxuu xeeriyey:

  1. Wuxuu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan.
  1. Waxaa xilkaas si KMG ah usiihaynaya Guddomiye ku xigeenka Hay’adda Wadooyinka Puntland.
  1. Xeerkani wuxuu Dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.