Madaxweynaha Puntland oo magcaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.22 ee march 03 2017 kuna saabsan magcaabis Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey       Talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dawladdaha  Hoose.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Calisalaad Diiriye Faarax loo magcaabay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal .
  2. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay madaxweynuhu maanta.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.