Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka hadlay heerka ay la egtahay Abaarta ku dhufatay Dalka

Muqdisho-[Puntland Post] Xasan Cali Kheyre Ra’iisal wasaaraha dhawaan helay codka kalsoonida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo dhisi doonaan golle wasiiro ka turjumaya sida uu hadalka u dhigay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada cusub ee soo socota sidoo kale lagu saleyn doono rabitaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday Madaxda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Ganacsatada, Culumaa’udiinka, Dhalinyarada, Haweenka iyo cid walba oo wax heysata in ay caawiyaan walaalahooda dhibaateysan ee Abaartu saameysay.

Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa laga soo warinayaa in dadka ay u geeriyoonayaan Abaarta ka jirta darteed, taasi oo ay jirto in aanay helin gurmad ku filan, waxaana Hay’adaha gar gaarka ay ka digayaan fidista Abaarahan.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST