Qaab-dhsimeedka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Wax-ka-beddel lagu Sameeyey

Kulankaan oo dabo socdey kulamo maalmahaan u dhexeeyey dawladda Puntland iyo Bangiga adduunka isla markaana looga arrinsanayey sidii dib u eegis loogu samayn lahaa isla markaana loo dardargelin lahaa mashruuca CIP ee Tayaynta iyo shaqo-qorista ee uu dawladda Puntland  ka caawinayo Bangiga adduunku ayaa ka qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka ayaa waxaa  guddoomiyanayey Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed, waxaana goob joog ka ahaa Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya Mr Alex Xiriiriyaha Mashruuca CIP ee Puntland Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Xubnaha hagaya Mashruuca iyo Agaasimeyaasha kala duwan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka kulanka ayaa sidii dib u habayn iyo dib u casriyayn loogu samayn lahaa Wasaaradda (Re-structured)  isla markaana loo tayayn lahaa tayada iyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda, korna loogu qaadi lahaa  dakhliga dawladda.

Muddadii uu kulanku socdey waxaa laysla qaatay in Qaab-dhismeedka Wasaaradda loogu samayn lahaa dib u casriyaynta Wasaaradda oo la macno ah in Wasaaraddu markii hore ay lahayd Saddex Agaasime Guud isla markaana hadda laysla qaatay in Wasaaraddu ay yeelato hal agaasime guud oo keliya.

Waxaa sidoo kale laysla qaatay in kor loo qaado tayada waaxda Cashuuraha berriga, si arrintaasi looga dhabeeyona Bangiga adduunka ayaa ugu deeqay Wasaaradda Maaliyadda gaara ahaan waaxda Cashuuraha berriga Gaadiid qayb libaax ka qaadan doona dardargelinta shaqada iyo kor u qaadista dakhliga dawladda.

Si tayada shaqaalaha kor loogu qaado waxaa uu bangiga adduunku ballan qaaday in shaqaalaha Wasaaradda ay u qaban doonaan tababarro dheeraad ah oo la xiriira kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta  shaqaalaha wasaaradda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa laf dhabar u ah dawladda, isla markaana haddii xoogga la saaro sidii  loo tayayn lahaa waxa ay saamayn lamahadiyo ku yeelan doontaa guud ahaan horumarka iyo adkaynta qiyamka aas-aasiga u ah dawladnimada Puntland.

—Dhammaad—