Mudaharaad lagaga soo hor-jeedo nabadoon la xiray oo Bosaaso ka dhacay

Garowe(Puntland Post)-Wararka aan ka helayno magaalada Bosaaso oo ah xarunta dhaqaalaha Puntland ayaa sheegaya in magaaladaas uu ka socdo mudaharaad balaaran oo is qabsaday qaybo kamida xaafadaha magaalada.

Dadka mudaharaadaya ayaa kasoo horjeeda xarig ay dhawaan magaalada Bosaaso ciidamada amnigu ugu geysteen nabadoon Cabdulqaadir xarago oo kamida nabadoonada ugu caansan Gobalka Bari, waxayna mudaharadayaashu dalbanayaan in nabadoonkaas lasii daayo.

Ciidamada amniga oo gaaray goobta uu mudaharaadku ka socdo ayaa isku dayaaya inay xakameeyaan, waxaana magaalada laga maqlaaya rasaas ay ridayaan ciidamadu.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali iyo inta badan golihiisa xukuumada ayaa ku sugan magaalada Bosaaso, waxayna mudaharayadan kusoo aadayaan mucaaradad xoogan oo ay maalmihii u danbeeyey wajahaysay xukuumada madaxweyne Gaas.

La soco wixii kasoo kordha

PUNTLAND POST