Maxkamadda ICJ oo Go’aan ku saabsan Badda Soomaaliya ka qaadaneeysa Kenya

Maxkamadda ICJ ee dalka Holland ayaa sheegtay in Dowladda Kenya loo qabtay waqti kooban in ay kaga soo jawaabta Muran badeedka kala dhaxeeyay dowladda Soomaliya.

ICJ ayaa sheegtay 18-ka December 2017-ka laga doonaayo dowladda Kenya in ay ka jawaabto Kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ,kasoo Soomaaliya ay gudbisay Sanadkii 2014 tii, ICJ ayaa sidoo kale sheegtay in ay qaadan doonto go’aan kale hadii aysan Kenya xilligaasi keenin jawaabta laga rabo.

Maxkamadda ICJ ee daka Holland ayaa dhawaan sheegtay in qaadi doono muranka badeedka u dhaxeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya xili Soomaaliya ay horay ugu guuleystay in dacwadda badda ay qaadi karto Maxkamadda ICJ ka dib markii ay dowladda Kenya ay horistaagtay.

PUNTLAND POST