Saddex qof oo ku dhintay xaalada abaarta ka jirta Gobolka Nugaal

Faysal Cali Cabdulle Bare oo ka mid ah saraakiisha waaxda caafimaadka Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa xiriir uu la soo sameeyay PUNTLAND POST waxa uu kaga waramay xaalad adag oo soo foodsaartay dadka ku nool deegaanada miyiga iyo Tuulooyin hoosyimaada Degmooyinka Godobjiraan iyo Eyl.

Faysal ayaa sheegay in ilaa 3 ruux u dhinteen xaalad nafaqo daro oo ka dhalatay abaaro adag oo ka jira deegaanada kala ah Gaalo-Ood, Caduunka, Ayaxda iyo Hawdka Gobolka Nugaal.

Sarkaalkan ka tirsan waaxda caafimaadka EYL ayaa ugu baaqay Xukuumada Puntland inay gurmad deg deg ah lasoo gaarto Dad fara-badan oo ay soo wajahday xaalad isugu jirta abaar iyo cuduro kuwaas oo uu sheegay inay qarka u saaran yihiin dhimasho iyo baa,ba usii kordha.

Daawo Wareysi Wariye Abshir Dhiirane uu la yeeshay Faysal Cabdulle Bare.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST