Dibadbaxyo lagu taageerayo Ra’isilwasaaraha Cusub oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa hadda waxa ka soconayo Dibadbaxyo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Ra’isilwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay saakay fagaaraha daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo wata Sawirada Farmaajo iyo Ra’isilwasaaraha Cusub Kheyre.

Ra’isilwasaaraha Cusub ayeey ugu baaqeen in uu soo magacaabo xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiisa hormaro dhinacyo kala duwan ah.

Shalay ayuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Xasan Cali Kheyre u magacaabay Ra’isilwasaaraha Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho