Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland oo ka hadashay 7 Markab oo tagan Xeebta Bosaso

BOSASO-[Puntland Pos] Shirkan Jaraa,id oo ay sida wada jirka ah ay ugu qabteen xarunta Wasaaradda  Kaluumaysiga ee Boosaaso masuuliyiinta ugu saraysa Wasaradda kaluumaysiga iyo kheyradka Badda ee Puntland ayaa ah mid ay uga hadlayeen 7 Markab oo tagan Xeebta Magaalada Boosaso oo laga leeyahay dalka Jabuuti kuwaas oo ay dawalada Puntland hishiis kula gashay in ay ka kaluumaystan Xeebaha Puntland.

Shacabka Reer Puntland gaar ahaan kuwo magaalada Boosaso ayaa is waydinayey Malmihii la soo dhafay ujeedka Marakiibatan ay u taagan yihiin Dekada magaalaad Boosaaso waxayna ay Masuuliyiintani si faahfaah san uga hadleen u Jeedada Marakiibatan ka danbaysay in ay yimadan Xeebta magaalada Boosaaso.

Wasiirka wasaarada kaluumaysiga Puntland Cabdi Nuur Cilmi Maxamud Bindhe ayaa ka war bixiyey Dalalka ay ka soo Jeedan Markiibtan iyo sida oo kale sababta keentay Dekadda Boosaso ee Xarunta Gobalka Bari,.

Wasiiru-dawalaha Wasaradda Kaluumaysiga iyo Khayradka Bada Puntland  Dr Cabdiraxaman Aw Jaamaca Kulmiye mar ay saxafadu wax ka waydiisay Sababta keentaya in xiligan ay wasaradu ay ka hadasho Marakiibatan laga leeyahay Dalka Jabuuti oo Mar hore ay hishiis la galeen iyo in dawaladu ay si qarsoodi ah ay u bixinayso Ogalanshaha ay ku kaluumaysan lahayeen Marakiibtan Xeebaha Puntland Waxa uu sheegay in ay rabeen in bulshada Reer Puntland ay la socod siiyaan lakiin uu soo dag dagay Go-aanku.

Masuuliyiinta ugu Saraysa Wasaradda Kaluumaysiga iyo Kheyrad ka Badda ee Puntland waxay sheegen in Marakiibatan ay Sarnan doonan Mudada ay kaluumaysiga ka wadan Xeebaha Puntland Shaqale ay wasaaradu Tababartay iyo Ciidamo Ka tirsan Puntland si ay ugu ilaaliyaan Biyaha ay Puntland u Qoondaysay in Marakiibtan ay Ka kaluumaystan.

Dhagayso codka wasiirka kaluumaysiga Puntland

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST