Waa kuma raysal wasaare Xasan Cali Kheyre ?

Ambassador Abshir Xasan Abshir oo horey uga mid noqday musharaxiintii isu soo taagay tartanka Madaxtinimada dalka Soomaaliya, Sidoo kalena soo noqday Safiir Soomaaliya u fadhiya dalka Brundi iyo Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa uga waramay warbaahinta PUNTLAND POST aqoonta uu u leeyahay Raysal wasaaraha cusub ee uu maanta soo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya .

Ambassador Abshir ayaa ku tilmaamay Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre inuu yahay qof shaqsiyad wanaagsan Islamarkaana ka miro dhalin kara hadafka uu u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayuu sheegey Ambasaddor Abshir Xasan inuu waayo aragnimo badan u leeyahay arrimaha mashaariicda oo uu sheegay inuu muddo kasoo shaqeynayay.

Dhagayso Wareysi PUNTLAND POST la yeelatay Ambassador Abshir Xasan Abshir.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST