Taariikh nololeedka Marxuum Xaaji Yusuf Aadan Kaahin oo ku geeriyooday Hargeysa.

Waxaa habeen ka hor magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ku geeriyooday Xaaji  Yuusuf Aadan Kaahin oo ka mid ahaa Aqoonyahanadii lasoo shaqeeyay dowladihii rayidka iyo Kacaanka Soomaaliyeed, Islamarkaana ka mid ahaa Madaxdii iyo Macalimiintii Jaamacaddii LAFOOLE ee dalka Soomaaliya.

Akhriso Taariikh Nololeedka Marxuumka.

Marxuum Xaaji Yusuf Aadan Kaahin sanadkii 1948dii wuxuu ku dhashay magaalada Jigjiga,Wuxuu iskoolkii hoose ku dhamaystay magaalada dila oo u dhow Gibiley, halka uu Iskuulka dhexe/sare uu kaga baxay Hargeysa.

1971-dii wuxuu jaamacad ka bilaabay magaalada Muqdisho jaamacaddii Lafoole, Wuxuuna u tagay ololihii waxbarasho ee Afka Somaliga ka dhigi jirey sanadkii 1974-tii magaalada Marka, halka uu dugsiga sare ee Shiikh Cismaan Cumar maadada xisaabta ka dhigi jirey sanadkii 1975 magaalada Qardho ee Gobolka Bari, wuxuuna markii uu dhameeyay Jaamacadda Sanadkii 1976 uu dib ugu soo laabtay Qardho Isagoona ka mid noqday macalimiinta loogu jecel yahay oo ardey badan wax soo baray .

Marxuum Xaaji Yusuf Aadan Kaahin

Sanadkii 1979 ilaa 1981 wuxuu usoo wareegay magaalada Muqdisho Isagoona macalin ka noqday Jaamacada Lafoole qeybta Physics And Mathematics , Waxaana loo diray sanadkii 1982-dii dalka Canada magaalada Saskatche wuxuuna kazoo diyaariyay Master’s Degree oo ah Statistics in Mathematics and Physics.

Marxuum Xaaji Yusuf Adan Kaahin wuxuu mar kale dib ugu soo noqday sanadkii 1984-tii Muqdisho, Wuxuuna Jaamacada LAFOOLE ka noqday Madaxa qeybta Mathematics iyo Physics, Isagoona wax ka bedelay manhajkii Jaamacadda LAFOOLE .

Sanadkii 1987-dii waxaa loo diray dalka Ingiriiska magaalada Bristol oo uu ka diyaariyay Shahaadada Master-ka ee Wax barida Waxbarashada, ka dibna markii uu dhacay burburkii Soomaaliya sanadkii 1991-dii wuxuu usoo wareegay magaalada London isagoona shaqo ka qabtay iskuulka hoose dhexe ee St Pauls 1992 ilaa 2009-kii.

Marxuum Xaaji Yusuf Adan Kaahin wuxuu ifka uga tagay lix wiil iyo hal Gabadh iyo Hooyadood Shukri Cabdulaahi Cismaan, Wuxuuna ku geeriyooday magaalada Hargeysa Isniin 20 February 2017 Allow u naxariiso dhamaan maamulka iyo bahda PUNTLAND POST waxay uga tacsiyeynaysaa qoyska, qaraabada iyo Ehelada inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana waxaan alle uga baryeynaa Janada iyo In lagu abaal mariyo Acmaal wanaagsan.. Aaamiin ,,,, Aaamiin…Aamin.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST