Raysal_wasaaraha Somalia oo iska casilay shaqadii SOM OIL & GAS

Raysal wasaaraha cusub ee loo magacaabay Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa iska casilay shaqadii uu u hayay Shirkadda SOMA OIL & GASĀ  ka dib qoraal uu u diray, Wuxuuna sheegay in loogu magacaabay dalkiisa hooyo Jago/Boos masuuliyad balaaran ah.

Qoraalka lagu sheegay inuu iska casilay Raysal wasaare Khayre Agaasimaha Afrika ee Shirkadda SOMA OIL & GAS ayaa ku taarikheysan maanta oo ay taariikhdu tahay 23 February 2017, wuxuuna noqonayaa mid cadeynaya booska shaqada ee uu ka joogay shirkadaas oo laga leeyahay dalka Ingiriiska .

PUNTLAND POST oo heshay nuqul ka mid ah qoraalka uu isku casilay Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u qornaa sidatan hoose.

Akhriso.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST